Booliiska Puntland Oo Gacanta ku dhigay Nin Dil Ku Gaystay Tooreey

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay fal ay aad uga naxeen dadka ku nool Magaaladaasi Garoowe.

Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Garoowe ayaa Tooreey ku dilay Nin Seedigiis ah kadib markii xoogaa labadooda wada murmeen sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deriska la’ah.

Dilka kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska puntland iyaga oo Gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyey dilkaas,kuwaas oo hada ku haya baaritaan dheeraad ah.

Hadalheynta Magaalada Garoowe ee Maanta ayaa ah dilkaas aadka u foosha xun ee xalay ka dhacay,waxana lagu soo waramayaa in ay Koomo gashay xaaska ninka la dilay oo Caruur badan ay u heysay.