Ciidamadii ku lugta lahaa dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Isloow Ducale ayaa sheegay in Ciidamada xasilinta amniga howlgalladii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho ay siiwadi doonaan islamarkaana shacabku aysan ka niyad jebin.

Waxa uu sheegay in dadkii ku lugta lahaa dagaaladii ka dhacay shalay muqdisho Xabsiga loo taxaabay islamarkaana uu ku socdo baaritaan hadii ay wax ku cadaadaana talaabo laga qaadi doono.

Sikastaba shalay ayaa waxaa muqdisho ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Meleteriga iyo kuwa Nabad-Sugida dagaaladaas oo ay ku geeriyoodeen Askar iyo waliba Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida.

Dagaaldda dhexmara Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ayaa waxa uu shacabka u keenaa Niyad jab Taasoo Farxad galineysa Cadowga Umadda Soomaaliyeed.