Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle,maamulka Gobolka Hiiraan iyo wasiiro kamid ah Hirshabelle ayaa waxaa ay kormeereen Saldhigga Boliska ee magaalada Beledweyne,waxana halkaasi kula kulmeen ciidamada Boliska.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow iyo wasiirka amniga Maxamed Ibrahim Cali ayaa ka hadlay.
“Gudomiyaha gobolka Hiiraan”Mudane Madaxweyne
waxaa halkaan kugu diyaar ah ciidmada Boliska oo ,muddo badan kusoo shaqaynayay mushahaar la,aan dulqaadna u yeeshay in dadkooda u shaqeeyaan”Wasiirka Amniga Maxamed Ibraahi” Haddii ay shalay Hirshabelle dhisnayn maanta way dhisan tahay maantana waa in la,barbaariyaa ciidamada Boliska lana horumariyo.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble,ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne aysan muddo badan helin xuquuda ciidamada isagoona lambaro siiyay ciidamada Boliska.
“Madaxweyne Cosoble”Waxaa marqaati ka ahay in
ciidamada Boliska ay muddo badan ku soo shaqeeyeen xuquuq la’aan ,waxa marqaati ka ahay in tabaro badan oo aad u baahneedeyn aadan helin” Ayuu yiri madaxweynaha HirShabeele.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu kormeeray dhismo ka socda
Saldhigga Boliska mudddo badan kaasi oo loogu talagalay in lagu balaariyo Saldhigaasi.
SAWIRRO