Xog-hayaha Guud ee QM oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona QM

Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa magaalada Newyork ee xarunta QM kula kulmay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii Arbacada ayagoo ka wada hadlay xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray.