Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir iyo Rag Ilaaladiisa kamid ah oo lagu dilay Dagaalkii Maanta (SAWIRRO)

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Meeleteriga Soomaaliya iyo kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa weli ka taagan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyada oo meelaha qaarkood uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gaari uu watay taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijiile) ay Galabta rasaaseeyeen Ciidamada Meleteriga ee ku sugan Tiyaatarka xiisadan oo daba joogta mid Maanta ka taagan Magaalada Muqdisho.

Rasaasta lagu furay Ciidamada uu watay taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir ayaa sababtay geerida 4 Askari iyo isla taliye Ciise Xasan Caraale (Jiijiile) sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoonaan karo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya oo gaaraya ilaa Saddex ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen rasaastaas ay rideen ciidamada Meleteriga Soomaaliya,waxana hada Goobtii wax ka dhaceen ku sugan Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga Soomaaliya kuwaas oo xiisada soo kala dhexgalay.

Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamada Meleteriga balse haatan waxaa Goobta la keenay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya sixal looga gaaro dagaalkaas Goobtana ay amaankeeda u xaqiijiyaan.

SAWIRRO