Gudoomiye Taabid oo AMISOM ka dalbaday in ay ka guuraan laba Xarumood oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka dalbaday Ciidamada AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo wareejiyaan Garoonka Muqdisho Stadium.

Guddoomiye Taabid ayaa shalay khudbad ka jeediyay shir xarunta Xalane uga socda dowladda Federaalka iyo Taliska AMISOM oo looga hadlayo qorshaha AMISOM loogala wareegayo xarumaha ay ka degan yihiin Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyada ammaanka dalka.

Mr Taabid ayaa sheegay in meelaha muhiimka u ah shacabka looga baahan yahay in AMISOM ay soo wareejiyaan, sida Garoonka Muqdisho Stadium iyo Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Waxaa uu sheegay in xarumahaas ay astaan u yihiin nabadda iyo bilicda Caasimadda, sidaas darteed ay muhiim tahay in shacabka loogu adeego sida uu yiri.

AMISOM ayaa dhowaan ka baxday xarunta Jaamacadda Umadda Faraceeda Gaheyr, halkaasoo ay degenaayeen muddo 10 sano ah.