Sida aan wararka ku helayno Howl gal si wada jir ah ay uga qeyb qaateen Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu qabtay Taliyihii howl galada Al-Shabaab u qaabilsanaa Gaalkacyo.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay Gaalkacyo howl galkan oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu qabtay C/risaaq Huseen Tahliil oo loo yaqaanay (Calool Geel) iyo afar kale.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ahaa nin ay aad u yaqaaneen ciidamada ammaanka, in muddo ahna ay ku daba jireen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan howl galkan ay iska kaashadeen, kuna soo qabteen ninkan aadka loo raadinayay.
Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya howl gal ay ka sameeyeen Gaalkacyo ku soo qabteen nin u dhashay dalka Sudan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.