Shaqaale hay’adeed oo u afduubnaa Al-shabaab ayaa la sheegay in ay dib xoriyadooda u heleen kadib markii ay ay Al-shabaab madax furasho ka qaateen.
Maxamed Isaaq Ibrahim oo ah agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka magaalada baydhabo ayaa khadka telfoonka ugu sheegay wakaalada wararka Anadolu Agency in shaqaalahaasi lasiidayay,isagoona sheegay in ay Al-Shabaab ay madaxfurasho ahaan ay ugu qaateen hubka noocyadiisa kala duwan.
Shaqaalaha gar gaar ee lasiidaayay ayuu ku sheegay in ay ahaayeen labo dumar iyo shan rag ah kuwaasi oo muddo sideed maalin ah afduub ahaan ay u haysteen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay lacago madax furasho ah ay ka qaataan shaqaalaha hay’addaha gar gaarka la shaqeeya ee ay afduubtaan ayagoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale madax furasho uga qaatay Shaqaale Hay’adeed.