Madaxweynaha Somaliland ayaa Marwo Adno Aadan Ismaaciil u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee maamulka Somaliland u qaabilsan Waddahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Adna ayaa horay u soo noqotay Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland waxaana la sheegay in ay tahay qof ay ku weyn tahay qadiyadda Somaliland ee gooni isku taagga.
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.
MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;
Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;
Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.