Masuuliyiinta Beledxaawo oo dhamaantood Xabsi loo taxaabay iyo Sababta oo la ogaaday

Ciidamada Ammaanka Maamulka gobolka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay dhammaan Mas’uuliyiintii degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo,  sida Gudoomiyihii degmada iyo Kuxigeenadiisa iyo  taliyeyaasha Ciidamada degmada  Baledxaawo.

Sababta ka dambeysa Xabsigan ayaa ah in Mas’uuliyiintaan ay habeen hore xabsi ku yaalla Magaalada Baledxaawo ay kala baxeen 4 dhalinyaro ah oo Shabaab ku eedeysanaa ka dibna ay kusoo dileen duleedka Magaalada.

Arrintaasi ayaa xiisad weyn ka dhalisay Baledxaawo , waxaana dadka degaanka ay walaac ka muujiyay in layska dilo qof aysan Maxkamad xukumin.

Waxaa Magaalada soo gaaray shalay gelinkii dambe , Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana ay go’aamiyeen in Mas’uuliyiinta degmada la xiro si loo dejiyo xiisada iyo kacdoonka Shacabka.

Ka dib kulan ay wada qaateen Waxgaradka degmada Baledxaawo iyo Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland, waxaa dadka magaalada loogu baaqay in xaaladda ay dejiyaan.

Magaalada Beled xaawo ayaa wali waxaa laga dareemayaa xiisadii ka dhalatay Dhalin yaradii shalay la toogtay mana jirto wali war kale oo dheeraad ah oo ku saabsan Masuuliyiintaas la xiray.