Heshiis xabad joojin ah ayaa la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamayay degaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Beelahan ayaa colaadooda waxa ay aheyd mid soo jiitameysay mudo badan, taasi oo sababtay in Dagaal dhexmaray uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay wehliyaan saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa ku baxay degaanadii ay ku dagaalameen labada beelood, si khilaafka xal looga gaaro.
Masuuliyiinta ayaa Odayaasha waxa ay ka dalbadeen in ay qaataan heshiis xabad joojin ah, maalamaha soo socdana la isugu imaanayo heshiis lagu dhameynayo colaada oo dhan.
Labada dhinac ayaa iska soo xulay min Saddex Oday dhaqameed, kuwaasi oo dhabarka u ritay in lagula xisaabtami cidii burisa xabad joojinta.
Odayaasha waxa ay sheegeen in ay hirgashay xabad joojinta, cidii jabisana lagula xisaabtamayo, lana doonayo in laga wada shaqeeyo Nabadda.
Dhinaca kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha arrimaha bulshada gobolka C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha amniga, waxaana labadoodaba ay ku baaqeen in Nabadda laga wada shaqeeyo.