Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo garab ka helaya kuwo Cadaan ah ay si qaldan dad uga kaxeestaan dad rayid ah oo ay ka mid yihiin dad Ganacsato ah balse aysan aheyn Shabaab.
Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaas ay masuuliyadeeda leedahay puntland islamarkaana hada kanhorna ay sidaan oo kale si qaldan waxyeelo ugu geesteen Shacab reer Galmudug ah.
Waxa uu ugu baaqay Puntland in arimahan oo kale ay ka digtoonaadaan islamarkaana iyagu aysan waxba ka ogeyn falkaasi dhacay Galmudugna aysan u dulqaadan karin dhibaatoyinka soo laab laabana ee laga Geysanayo Galmudug.