Ciidamada Dowladda oo Qarax fashiliyay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay fashiliyeen qarax Miino oo lagu aasay Wadada Dhexdeeda,kadib markii qaraxaas ay arkeen dad Shacab ah oo goobta qaraxa lagu aasay ka agdhawaa.

Qaraxaan ayaa lagu aasay deegaanka KM-13, halkaas oo marin u ah Gaadiidka Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom iyo Gaadiidka dadweynaha dhowr marna qarax uu ka dhacay.

Ciidamada Miina-baarka ayaa qaraxaas kala furfuray ,iyada oo aysan qarxin Miinadaas,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Deegaanka KM-13, ayaa waxa uu ka mid yahay deegaano dhowr mar qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom,waxaana halkaasi sidoo kale degan dad ka soo barakacay abaartii ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.