Banaanbax ka dhan ah xad gudubka dowladda Israel oo laga iclaamiyay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa manta kulan ku yeeshay Msuuliyiin ka tirsan Hay’adda Majmca culumada soomaaliyeed,iyada oo kulankooda ay uga hadleen Xasuuqa ay Israel ka wado Daanta galbeed ee Dhulka Reer Falastiiniyiin.

Masuuliyiinta Hay’adda ayaa Cambaareeyay falkaas,waxa ayna sheegeen in ay iclaminayaan Banaanbax ka dhan ah dowladda Israa’iil iyo falalka ay ka wado dhulka ay leyihiin Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiiniyiin.

Culumada ayaa waxa ay sheegeen in banaanbaxaas lagu muujin doono sida ay uga xunyihiin falkaas,islamarkaana Shacabka Falastiiniyiinta ee Walaalaha ay dhibka gaaraya la qeybsanayaan sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Majmaca Culumada Soomaaliyeed.

Sidoo kale culumada aya kulankooda ku dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ka soo cusboonaaday.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warka ka soo baxay Culumada.