Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay Shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in ay l-Shabaab Ganacstada Soomaaliyeed ka qaadaan lacago ay ugu magacdareen Zakawaad,taakuleynta Mujaahidiinta iyo Magacyo kale islamarkaana dowladda Soomaaliya ay taasi indhaha ka qabsan weyday.
Waxa uu sheegay in dowladdu mamnuucday taageerida,sida Ganacsiga,Garab istaaga Siyaasada qarinta,quudinta barbar istaaga meel la istaagida iyo Garabsiinnta.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay jiraan dad al-Shaabab Xukuno u doonta,taasina ay dowladda talaabo ka qaadi doonto cidii Xukun u doonata ee la arko.
Shirkadaha Isgarsiinta dalka ayuu sheegay in aysan ugu Adeegin EVC,Zaad , Eemail iyo sidoo kale u Xawilaada Lacagaha ay u baahdaan Al-Shabaab.
Ugu dambeen waxa uu sheegay in dhawaan ay ka soo bixi doonto Wareegto Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lana Dhaqangelin doono.