Wararka ka imaanaya degaanka Far-libaax oo 45-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Beledweynee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan Rag ka tirsan Shabaab in halkaasi ay ka geysteen Afduub iyo dil.
Shabaabka ayaa la sheegay in ay weerareen degaanka Far-libaax oo ay ku sugnaayeen Rag la shaqeynayay Hay’adaha Helow Trust iyo CESV, oo ka shaqeeya howlaha Miini baarista.
Saddex Qof oo ka tirsan shaqaalaha Hay’adahaasi ayaa la sheegay in Shabaabka ay halkaasi ku dileen, sidoo kalena ay Afduubteen ilaa Afar Qof oo Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar, una shaqeynayay Hay’adahaasi.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay dadka ay Afduubteen Shabaabka sidoo kalena ay dilka u geysteen in ay wateen laba Gaari oo ay ku fulinayeen howlahooda shaqo.
Qaar ka tirsan shaqaalaha Hay’adahaasi oo warbaahinta si hoose ula hadlay ayaa sheegay in ay socoto waan waan iyo wadahadal ragga Afduubka geystay looga soo deynayo shaqaalaha ay gacanta ku hayaan.
Balse Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay weerartay saldhig ay ciidamada Liyuu Boolis ku lahayeen deegaanka Far-Libaax.
Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira afduubka shaqaalaha samafalka ee ka dhacay Farlibaax.