Muqdisho-Goobsan:- Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya oo kusugan deegaanka Siinka Dheer ee duledka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Abuukar Islow Ducaale ayaa u sheegey warbaahinta in ciidamada amniga ay qabteen gaarigaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.
Xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heleen ciidamada Nabad Suggida ayaa suuragelisay in laga hortago gaarigaasi oo la doonaayay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho in lagu qarxiyo.
Ciidanka NISA, qaybta miino Baarista qaabilsan ayaa fur furay gaarigaasi oo ay saarnaayeen haaman qaraxyo ay ka buuxaan, sida Saraakiisha ay sheegeen.
Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta inay u soo bandhigi doonaan gaarigaasi waxyaabaha qarxa ka buuxay ee ciidamada ay gacanta ku dhigeen.
Saraakiisha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegey in haatan gaariga laga dejiyay qaraxyadii saarnaa, ayadoo sidoo kale gacanta lagu hayo dadkii la socday gaarigaasi oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho.