Wararka ka imaanaya Degaanka Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ahlusunna iyo Ciidamo degaanka ah.
Dagaalka oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, dadka dhintay ayaa ilaa iyo hadda lagu sheegay 7 qof oo labada dhinac ee dagaalamay ah dhaawacana toban ayuu ku dhawyahay.
Ciidamo Xoogan oo Ahlusunna ka tirsan ayaa dhawaan tagay xeraale taas oo dhalisay in cabsi badan ay soo food saarto dadka kunool ugu dambeyna maanta ayuu dagaalkan ka bilowday.
Inkastoo Dagaalka uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka cul culus ayaa ilaa hadda waxaanan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug oo la hadlay VOA ayaa dagaalkan ku eedeeyay maamulka Ahlusuna, oo uu sheegay in ay la dagaalamayaan dadka degaanka oo aan waxba ka galabsan.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan iyaga qeyb ka aheyn Dagaalka, hase ahaatee uu u dhaxeeyo Ahlusuna iyo dad shacab ah.
Masuuliyiinta maamulka Ahlusuna oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino Dagaalkan lagu eedeyay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaaan arrimahaasi.
Degaanka Xaraale oo dhinaca Waqooyi Galgaguud kaga beegan ayaa maalmahan waxaa laga dareemayay saan saan colaadeed kadib markii dadka degaanka ay kala taageereen Galmudug iyo Ahlusuna.