Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada ka taagan degaanada maamulka Galmudug ee ay u horeyso Diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga.
Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maanta lacagta Shilinka Soomaaliga laga diido degaanada Galmudug , xilli ay jiraan Abaaro daran.
“Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay in aan ka jawaabno xaaladaha kataagan degaanada Galmudug,waxaan ka codsanaynaa dadka qurba joogta ah iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, iyo in laga wada shaqeeyo xal u helista diidmada lacagaha shilin Soomaaliga ah, sidooo kale waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday degaanada Galmudug”ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Galmudug.
Suuqyada magaalaad Gaalkacyo iyo degaano kale oo katirsan Galmudug ayaa laga diiday qaadashada lacagaha shillin Soomaaliga ah taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada.
Madaxda Galmudug ayaa sheegaya in ay qaadayaan tilaabooyin deg deg ah oo arintaasi wax looga qabanaayo.