Madaxweyne Farmaajo oo sagootin heer sare ah u sameeyay safiirkii la badalay Sweden ee Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sagootin heer sare ah u sameeyay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall kaasoo waqti dhow banayn doona shaqada howlahii uu ka haayay Soomaaliya taasoo uu kasoo shaqeynayay muddo 5 sano ah.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka.

Danjire Mikael Lindvall ayaa Madaxweynaha ka guddoomay hadiyado isugu jiray hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo agab kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Safiirka Sweden mudadii uu Soomaaliya joogay uu howl aad u baaxad leh qabtay, isla markaana Sweden ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya.

Dowladda Sweden ayaa danjire cusub oo bedelaya Mr Lindvall u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu dhowaan soo gaaro Muqdisho, si shaqada ugala wareego Mikael Lindvall.

SAWIRO