Ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan Xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa munaasabad ay ugu dabaal dagayeen sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka howl bilaabeen ku qabsaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ka dhacday Xarunta Xalane waxaa ka qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaaliya, Amb. Michael Keating, Kuxigeenka Safiirka Uganda ee Somaliya, Amb. Nathan Mugisha, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, ayaa ciidamadan ku amaanay mudaddii sanadka aheed ee joogeen magaalada Muqdisho in ay wax badan qabteen , waxa uuna xusay in waxyaabo badan oo qabsoomay ay qeyb ka ahaayeen ciidankan.
Amb. Nathan Mugisha, Kuxigeenka Safiirka Uganda ee Somaliya, oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa amaanay ciidamada ilaalada Qaranada Midoobay , waxa uuna sheegay in Qaramada Midoobe uu ka rajeynayo inay kordhiso tirada Ciidamada Ilaalada ee Shaqaalaha Qaramada Midoobe.
Ciidamada ilaalada Qaramada Midoobay ayaa sanad kahor la keenay magaalada Muqdisho waxa ayna ka socdaan dalka Uganda, Ciidankan ayay hawshoodu tahay ilaalinta xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobe ee rayidka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
SAWIRO