Garoowe-Goobsan:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo Madaxtooyada Garowe Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aanka ay gaareen Baarlamaanka Puntland.
Gaas wuxuu sheegay muddo kooban inuu ku soo dhisi doono Golaha Wasiirada Maamulkiisa, isaga oo la tashan doona Madaxweyne Ku xigeenka C/xakiin (Camey).
Dastuurka Puntland Qodobkiisa 76-aad ayaa qaba in Madaxweynaha uu fursad u haysto muddo 21 cisho ah inuu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Dadka odorosa Siyaasada Puntland ayaa tani ku tilmaamay go’aan adag oo Xildhibaanada ay qaateen, sidoo kalena ay tahay fariin culus oo Madaxweyne Gaas ku socoto, hadii aanu wax ka bedelin hanaanka maamulka ee Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Maamulka Puntland.
Ugu dambayn Gaas ayaa ku booriyay Ciidanka Difaaca Puntland in ay laba jibaaraan howlaha ay u hayaan Bulshadooda isla markaana ay weerarada ay ku baacsanayaan Kooxaha Shabaabka ay dar dar galiyaan.
Halkan ka dhagayso Codka Gaas