Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.
Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.
Kooramka Xildhibaanada fadhiyay ayaa waxa ay gaarayeen 57 Xildhibaan, waxaana sidaasi loogu dhawaaqay in Golaha Wasiirada Puntland si rasmi ah loo riday.
Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas inuu haysto 21 Cisho uu ku soo magacaabayo Wasiiro cusub oo uu yeesho Maamulka Puntland.
Xildhibaanada riday Golaha Wasiirada Puntland ayaa ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo sidoo kale inuu faraha ka baxay amniga deganada Maamulka Puntland.
Tani ayaa muujinaysa in daad uu ku soo socdo Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas, maadaama Xildhibaanada Puntland iminka ay soo jeesteen.