Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay kulan ku yeeshaan Golaha Wakiilada Maamulka Puntland kulankaas oo Maantaa ah mid ka xasaasisan midkii ay shalay ku yeesheen Magaalada Garoowe.
Kulanka Maanta ayaa waxa ay Xildhibaanada uga doodi doonaan qodobo ku saabsan dhanka amniga,iyada oo xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin.
Xildhibaanada Puntland qaarkood ayaa qaba in kulanka looga yeero Madaxda Puntland oo ay dhaliilsan yihiin qaabka ay u marayaan sugida amniga halka kuwo kale ay qabaan in laga gudbo.
Dood xasaasi ah ayaa Maanta la filayaa in ay ka dhacdo xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Garoowe,waxaana hada socda diyaar garow ku aadan kulanka oo ay wadaan xildhibaanada Puntland.
Kulankaas qodobadii ka soo baxa kala socda Goobsan.com