Dowladda Soomaaliya oo mar kale Ciidan gaar ah u samaynaysa magaalada Muqdisho iyo NISA oo wax laga badali doono

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la sameyn doono Ciidamo gaar ah oo xaqiijiya amniga Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Ciidamadaas ay sugi doonaan Amniga Madaxda Qaranka iyo guud ahaan Muqdisho islamarkaana ay ku doonayaan in Ciidamada NISA,ay isku bedeli doonaan kuwo sirdoon ah sidii horay loo ogaa balse Ciidamada hada la diyaarinayo ay amniga sugi doonaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in qorshaha uu socdo dhawaana ay rajeynayaan in ay ciidamadaas sameeyaan.

Sikastaba Amniga Caasimadda Muqdisho waxaa hada siweyn u xaqiijinaya Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho iyada oo haatan dalka uu yahay mid sidii hore ka wanaagsan.