Q/Midoobay oo ku dhawaaqday in ay jirto Shaqo la’aan haysato dhalinyarada Soomaaliyeed isla Markaana balan qaaday malaayiin Dollar oo….

Xafiiska QM ee Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto shaqa la’aan xoogan oo haysato dhalinyarada Somaliyed ee ku dhaqan gudaha dalka.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in shaqa la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay mid aad u sareyso ayna u baahan yahay xirfado iyo aqoon ay ku shaqaystaan si meesha looga saaro shaqo la’aanta oo uu tilmaamay in ay qayb ka tahay dhibaatada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Keating oo sii hadlayay ayaa intaasi ku daray in marka la eego warbixinta ay soo saareen ururka shaqaalaha aduunka ee dalka Soomaaliya ay sheegeen in 33% ay shaqeeyaan halka 67% ay shaqo la’aan yihiin.

QM ayaa hadda Soomaaliya ku maal galinayso lacag gaarayso 17.5 Million oo doolar taasi oo loogu tala galay hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, dhincyada xirfadaha shaqo sida, kaluumaysiga, beeraha, ka shaqeynta dhismaha iyo iyo kaabayaasha caafimaadka.

Hadalka QM ayaa ku soo aadayo xili dhalinyarada Soomaaliyeed ay haysato shaqo la’aan xoogan oo saameyn ku yeelato noloshooda, iyadoo qaarkood ay dalka iskaga tahriibeen.