Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Bahda Warbaahinta kula hadlayay Gudaha Magaalada muqdisho ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xeerka Isagarsiinta dalka.
Waxa uu ugu baaqay Madaxda Shirkadaha Keena Qadka Internet-ka in ay sameeyaan qorsho ay uga hortagayaan in Markab uu jaro Fiilada Internet-ka iyo in lahelo keyd hadii Qadka uu markale Go’o ama cilad ay ku timaado.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay weli jirto fursad Ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan in ay dalkooda keenaan Qad wanagsan oo ay ku maalgashaan karaan xarko kale oo dhanka Internet-ka ah.
Gaba gabadii ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradu ay iminka Gacanta ku heyso qorsho Qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka kaas oo damaanad qaadi kara in la helo Isgaarsiin tayo leh.