Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Xalay uu dagaal culus halkaasi ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Amisom iyo maleeshiyada Al Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkan wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyadka Al Shabaab ay laba jiho kaga soo dhaqaaqeen ciidan fariisimaha ku leh Deegaanka Nambar Konton, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in labada dhinac ay dagaalka isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu dagaalkan ka xoogan yahay kuwii muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaankaasi.

Dadka ku dhaqan Nambar Konton, ayaa waxay ku sheegayan in Ciidanka Amisom ay hubka cul culus ku garaaceen goobihii ay dagaalka ka soo qaadeen maleeshiyada Shabaabka.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa sheegay in Shabaabku ay weerar ballaaran ku soo qaadeen Nambar Konton, isla-markaana ay labada ciidan wadaan dadaalo ay isaga caabinayan.

Gudoomiye Kuxigeenka oo la hadlay warbaahinta Goobsan, ayaa Shabaabka ku eedeeyay in xaalad qalqal ahi ay geliyen bulshada deegaanka, ujeedkooduna uu yahay inay muujiyan in weli jooggan gobolka.