Sida uu sheegay qabiir dhinaca amaanka ah oo udhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Simiyu Werunga Al-shabaab waxa ay badaleen habkii ay uga dagaalami jireen Gudaha Kenya oo aheyd in ay weeraro ka geystaan ka dibna dib ugu soo noqdaan gudaha Soomaaliya.
Qabiirkaan dhanka amaanka oo weriyayaasha kula hadlaayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in hadda Alshabaab ay saldhigyo Milatery ay ka dhax furteen gudaha Isla markaana ay weerarada ay ka qaadaan.
Isagoona intaasi ku sii daray in ay hadda saldhigyo military ay ka furteen Keymaha Bony oo ku yaalla magaalo xeebeedka Lamu.
Dhanka kale Gerald Mong’era oo ah madaxa warbaahinta ee xarunta ka hortagga Argagaxisada ayaa ugu baaqay dadka Kenyaan ah in ay laamaha amaanka ay kusoo wergeliyaan marka ay arkaan dagaalyahanada Al-shabaab si looga hor taggo weeraradooda.
Kenya ayaa dhamaadkii isbuucii hore waxa ay sheegtay in ay duqeymo ay ku qaadayso Al-lshabaabka ku dhuumaalaysanaya Keymaha Bony ee magaaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.