DAAWO SAWIRRADA: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kismaayo Ka Furay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Caasimadda KMG,ka ah ee Maamulka jubbaland ee Magaalada kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo furay shirka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid taariihki ah oo Muhim u ah Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa idiin sheegayaa Wasiir walba inuu la kulmayo Wasiirka dhigiisa si shaqada loo dar-dargeliyo.Shirkani wuxuu yahay mid sare loogu qaadayo shaqooyinka ka dhexeeya dawladda Federaalka iyo kuwa maamul gobolleyada,Xukuumaddu waxay xoogga saaraysaa baahinta maamul wanaagsan oo caddaalad gaarsiiya Shacabka.

Shirka  Wasiirada oo wali socda ayaa wixii faah faahin ah la ogaan doonaa marka uu soo idlaado,