Xarunta Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa waxaa ka bilowday rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya, kaddib markii dhowaan la keenay magaalada Muqdisho qalabkan.
Qalabkan oo ah mid casri ah ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay kula socoto dhaq dhaqaaqa Hawada Soomaaliya, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay dadaalada dowladda Soomaaliya kula soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay inay bilaabatay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya, isla markaana ay meel fiican mareyso howsha.
Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa sheegay in qalabkan uu suura gelin doono in la socodka hawada Soomaaliya, oo si rasmi ah muddo 27 sanno kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.
Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku heysay Hey’adda hoos tagya Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo ICAO, waxaana ay maamuleysay hawada Soomaaliya tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.