Ciidamada Amisom oo ka guuray mid ka mid ah Saldhigyadoodii ku yaalay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Midowga Afrika Amisom, ayaa ka guuraya Saldhigii ay ku lahaayeen xaruntii hore ee Jaamacadii Gaheyr oo muddo ka badan 9 sano Saldhig Militari u aheyd.

Ciidanka ayaa la soo warinayaa maanta guud ahaan in agabkooda kala duwan ay ka raranayaan Saldhigaasi, kadib markii Madaxda Amisom iyo kuwa dowladda ay isla garteen in Amisom halkaasi ay baneyso, ciidamo Booliska ka tirsana lagu wareejiyo.

Baahida markii hore keentay in Amisom ay dagaan Xaruntii hore ee Jaamacadii Gaheyr, ayaa aheyd in xilligii dagaalada ay ka socdeen Magaalada Muqdisho, Shabaabna ay joogeen meel aanan ka fogeyn Ex-Control Afgooye in Amisom Magaalada halkaasi ay ka difaacaan haddii ay ay isku dayaan Shabaab ka soo gudbida Ex-Control.

Guud ahaan maanta waxaa xiran wadada dheer ee ka timaada Ex-Control Afgooye illaa Isgoyska KM4, sababtana waxaa lagu sheegayaa inay tahay ciidamada Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa ku sugan Jaamacadii Gaheyr si ciidanka Amisom marka ay halkaasi uga dhamaadaan loogu wareejiyo ciidamada Booliska oo halkaasi Saldhig muhiim ah ka sameysan doona.

Ciidanka Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya ayaa ka soo jeeda dalka Burundi, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inay u guurayaan Gobolka Shabellaha Dhexe meel ka mid ah.

Amisom ayaa Saldhig ciidan oo waaweyn waxa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxayna Amisom weli ay dagan yihiin, Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad, Garoonka Kubadda Cagta Stadio Muqdisho iyo meelo kale oo Magaalada ka tirsan.