Waxaa wali ka socda Magaalada Muqdisho shirka Golaha Amniga Qaranka ee looga hadlaayo dhismaha Ciidamada Soomaaliya.
Shirkaan oo shalay xarunta Madaxtooyadda dib uga bilaabmay ayaa waxaa Shir Gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed , iyadoona maanta uu shir gudoominaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.
Waxaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda lasoo gabagabeeyo shirka ,islamarkaana laga soo saaro qodobo khuseeya Xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha Ciidamada.
Inta badan Madaxda ayaa isku Afgartay qodobadii Shirka looga hadlaayay.