Shabaab oo toogasho ku dilay Afar qofood

Wararka naga soo gaaraya degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi lagu dilay Afar ruux.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Dadka degaanka Afarta qof waxaa dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka la dilay ayaa waxa ay qaarkood ahaayeen Ergooyinka Xildhibaanada soo dooratay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa noo sheegay in Afarta qof ee la dilay in ay Shabaab isku dhaceen ka dibna ay ku biireen ciidamada dowladda.

Waxaa uu sidoo kale goobjoogahaasi uu sheegay in ay doonayeen in ay Al-Shabaab dhibaato u geystaan Maadaama Mid ka mid ah Ragga la dilay Walaalkiisa maalin ka hor ay dileen Shabaab,islamarkaana ay u socdeen Aargoosi.