Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawaacmeen ka dib markii xalay Bambo Gacmeed lagu weeraray Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dadka dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo joogay goobta lagu soo tuuray Bambada.
Ciidamada dowladda ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay degmada ka dib Weerarkaasi.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Goobsan u sheegay in Ciidamada dowladda ay soo qabteen dhalinyaro ka badan 50 ,islamarkaana baaris ay ku saameeyeen ka dib badankood ay siidaayeen.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay , waxaana wadooyinka iyo jidcadayaasha Muqdisho la dhigay Ciidamo.