Dowladaha Uganda iyo Kenya ayaa bisha soo aadan waxa ay soo iibsan doonaan diyaarado helicopter ah, kuwaasi oo ay kula dagaalami doonaan Shabaab.
Uganda ayaa heli doonta shan diyaaradood oo ah nuuca Helicopterka ah bisha August ee soo socota.
Diyaarahadaan helicopterka ah ayaa lagu magacaabaa Huey II oo ay samayso shirkadda Bell ee dalka Maraykanka.
Waa diyaaradihii ugu horeeyay oo ay Uganda ay gadato tan iyo sanadkii 2012kii markaas oo ay dalka Ruushka ay kaga soo iibsatay lacag dhan $179.6 Million oo dollar diyaaradaha loo yaqaan Su-30MK
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa iyadana dhankeeda waxa ay diyaaraddo Helicopters ah ay ka iibsatay isla shirkadda Bell ee dalka maraykanka .
Kenya ayaa sanadkii hore waxa ay lix diyaaradood oo helicopter ah oo nuucaa Huey II ka iibsatay shirkadaan Bell.
Labadaan wadan waxa ay qeyb ka yihiin howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.
Waxa ay sheegeen Mas’uuliyiinta Kenya iyo Uganda in ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ,islamarkaana ay fulin doonaan duqeymo lala beegsanaayo goobaha ay jooggaan Shabaab.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka geysta Koonfurta Soomaaliya.