Maamulka Goobjoog Media Oo Somaliland ka codsaday in xorriyaddiisa siiyaan Wariye Cumar Seerbiya

Ciidamada Somaliland ayaa maanta waxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku xireen Cumar Cali Xasan (Serbiya) kaasi oo ka tirsan wariyeyaasha ka howlgala Idaacada iyo Talefeshinka Goobjoog.

Cumar iyo afadiisa ayaa maanta waxay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo booqasho la xiriirta arrimo qoys ku tagay magaaladaasi, hase ahaatee ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland ayaa wariye Serbiya u sheegtay inuu xarig yahay.

Xaaska Cumar ayaa loo ogolaaday iney gudaha u gasho Hargeysa, halka isagana lagu xirey saldhigga Booliiska ee garoonka Hargeysa.

Cumar Seerbiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka shaqeynayey Raadiyaha iyo Talefeshinka Goobjoog, oo ah warbaahin madax bannaan.

Maamulka Goobjoog Media Group ayaa walaac ka qaba xorriyad ka qaadista lagu sameeyay wariye Cumar Seerbiya, waxayna cambaareynayaan wax walbo oo kasoo horjeeda xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida.

Ugu dambeyn, maamulka Goobjoog Media Group ayaa ka codsaday Somaliland in xorriyaddiisa ay si degdeg ah ku siiyaan Wariye Cumar Cali Xasan (Seerbiya)