Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Generaal Kaahiye Ex School Polizio.
Furitaanka Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaanada labada Aqal, Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada labada Aqal inay ka soo qeyb galaan furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbadiisa dastuuriga aheyd.
Furitaanka Kalfadhiga ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay madaxda maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga shirka Golaha Amniga Qaranka.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku soo qul qulayay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu u soo dhamaaday fasax labo bilood ah oo ay ku jireen.
Ammaanka Xarunta uu ka dhacayo shirka ayaa aad loo adkeeyay, sidoo kale qeybo ka mid ah waddooyinka ayaa la dhigay ciidamo suga amniga.
Kalfadhigan ayaa marka uu furmo waxaa la filayaa inuu bilowdo la xisaabtanka Xukuumadda, waxaana laga cabsi qabaa in kalfadhigan uu hareeyo mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.