Dowladda Somaliya, ayaa waxaa loo gacan geliyay mid ka mid ah kooxaha Somalida ee dadka tahriibiya, ka dib markii lagu qabtay Magaalada Juba ee Xarunta Wadanka Koonfurta Sudan.
Danjire Xuseen Xaaji Axmed, Danjiraha Somaliya ee Koonfurta Sudan, ayaa xaqiijiyay in ninkani ay Dowladda Koonfurta Sudan ku soo wareejisay Dowladda Somaliya. Ka hor inta aan Somaliya lagu soo wareejin, ayuu sheegay in shan cisho ka hor lagu qabtay Magaalada Juba.
Danjiraha, ayaa sheegay in hay’ado shisheeye oo dhanka ammaanka ahi ay iska kaashadeen soo qabashada ninkaasi, oo madax u ahaa kooxaha wax tahriibiya ee ku sugan Koonfurta Sudan, xiriirna la lahaa magafe-yaasha dalka Libya.
Sidoo kale wuxuu sheegay ninkani in uu ahaa nin aad isu qariya, mararka qaarkoodna uu u carari jiray xadka Koonfurta Sudan la wadaago dalka Uganda, waa xilliyada ay Koonfurta Sudan ka socdaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha wax tahriibiya.
Ninka la qabtay oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdulle, da’diisuna ay u dhaxeyso 40 illaa 45 jir, ayuu Safiirka Somaliya ee Koonfurta Sudan sheegay intii muddo ahba in lagu daba joogay, ugu dambeena la ogaaday in uu ku sugan yahay Caasimadda Juba, sidaasina lagu soo qabtay.
Safiirka, ayaa tilmaamay in ninkan uu ka masuul yahay fal dembiyeedyo ka kala dhacay labada Sudan sanadihii la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin dil, kufsi iyo tacadiyo kaloo badan.
Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo u waramay VOA, ayaa sababta C/qaadir Cumar loogu soo wareejiyay Dowladda Somaliya ku macneeyay, iyadoo u haysato dembiyo ugu badan oo uu Somaliya ka galay.
Danjiraha, ayaa wuxuu iftiimiyay maadaama uu ninkani Somali yahay in dalka lagu maxkamadayn doono, dalalka shisheeyena ay ku qanciyeen in dembiyada ay u haystaan, mid ka weyni inay Somaliya u haysato.