Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shirka Midowga Afrika (SAWIRRO)

Iyadoo shalay uu magaalada Addis Ababa uu ka furmay shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa madaxda shirkaas ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha dhalinyarada Afrika, dib u habeynta ururka, bajadka uu ku shaqeynayo iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay tahay markii u horeysay ee uu ka qeyb galo shir madaxeedkan, waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu khudbad ka jeediyo shirka oo maanta la soo xiri doono, isagoo kulamo gaar gaar la qaadan doono madaxda shirka ka soo qeyb gashay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku guuleystay in la sii daayo Maxaabiis ku xiran dalka Itoobiya oo gaareysa 120 maxbuus oo ay ku jiraan kuwo u xiran inay sharci darro ku galeen dalkaas.

Mr Kheyre ayaa horay dowladda Itoobiya ugala hadlay sii deynta maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalkaas, waxaana lagu wadaa in dib ugu soo laabashadiisa magaalada Muqdisho ay u soo raacaan maxaabiis lagu qiyaasay tobaneeyo oo noqonaya qeybta u horeysa ee maxaabiista la sii daayay ee dalka lagu soo celinayo.