Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilligan kulan kula leh garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schartz.
Kulankan ayaa ka socda qeybta VIB-da ee garoonka, halkaasoo inta badan Madaxweynaha ku qaabilo Diblomaasiyiinta reer Galbeedka.
Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in looga hadlayo arrimaha siyaasada, ammaanka iyo taageerad Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.
Waxaa kaloo laga hadlayaa la dagaalanka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii Mareykanka u soo xoojin lahaa taageerida Ciidamada Soomaalida oo uu xilligan ka saacido qalabeynta iyo mushaarka.
Dhowr jeer oo hore ayay Madaxweynaha iyo Safiirka Mareykanka ugu kulmeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo bilo ka horna uu la kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom uu ku qaabilay
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schwartz ayaa dhowaan sheegay in Safaaradooda Muqdisho ay dib uga furan doonaan bisha October ee sanadkan, isagoo xusay in markii u horeysay Mareykanka howl gal diblomaasi oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmo qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo qaarkood fadhigoodu yahay Xarunta Xalane.
Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka iyo saraakiishooda ayay Madaxda Soomaalida kula kulmaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.