Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in ee rag hubeysan ay khaarijiyeen Gudoomiye waaxeed.
Masuulka la dilay ayaa lagu magacabi jiray Cali Cusmaan Waheleiye (Cali Jacayl) Waxuuna ahaa gudoomiyaha Waaxda Oodwayne ee Degmada dayniile Waxaana lagu dilay xafiiskiisa hortiisa waxaana la sheegay in laga qaatay biskoolad uu watay.
Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna halkasi ka wadaan baaris ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta dadkii ka danbeeyay dilka.
Dhanka kale goobjooge u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Amaanka ay isku balaariyeen Guud ahaan degmad Dayniile waxuuna sheegay in baaris xoogan ay iminka ka socota agagaarka xaafadda Oodwayne iyo inta ku hareeraysan xaafadaas.
Masuulkaan la dilay ayaa isbuuc kahor qarax lagula eegtay wadada warshahada ee ee Magaalada Muqdisho waxaana qarxaas ku dhintay hal askari oo ka tirsnaaa Ilalaadiisii.