Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo hada ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in Itoobiya ay ka soo daayaan 120 maxaabiis Soomaaliyeed ah.
War kooban oo la soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay arintan ku saabsan maxaabiista lagu soo wareejiyy dowladda Soomaaliya.
‘’Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay”
Maxaabiistan lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa ku jiray wariyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Boqorka Bartamaha oo muddo dheer xabsiga ku jiray.
Tallaabada ay qaaday Doowlada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada maxaabiista, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda loo soo duuliyo magaalada Muqdisho.