Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in gaari dad shacab ah ay la socdeen ay miino kula qaraxday, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac
Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ayaa haleeshay gaari noociisa ahaa Hoomey oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo xalay ku sii jeeday degmada Afgooye.
Illaa labo ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Muddooyinkan ayaa waxaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ku soo badanayay qaraxyada miino, taasoo inta badan khasaare ay ka soo gaarto dadka shacabka ee ku afra wadadaas