Kadib markii Ururka Al Shabaab ay afduubteen tiro Odayaal ah, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Warshubo, ayna u kaxeeyeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay masuuliyiinta Maamulka Galmudug.
Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa u sheegay warbaahinta inay aad uga xun yihiin ficilka ay ku kaceen Kooxda Shabaab.
Wuxuu sheegay Shabaab inay kaxeysteen dad gaaraya 70 ruux oo Odayaal ah, Odayaashaasi oo diiday inay keenaan caruur ay ka dalbadeen Shabaabka si caruurtaasi loo dagaal galiyo.
Cismaan Ciise Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay kaga jawaabayaan ficilka ay ku kaceen Shabaab, waxaana uu sheegay inay sameyn doonaan wax kasta oo ay ku soo furanayaan odayaashaasi.
Al Shabaab ayaa Odayaasha ka dalbaday caruurta inay keenaan iyo qoryihii ay ku dagaal gali lahaayeen, si ay uga qayb qaataan dagaalada ay kula jiraan Dowladda iyo Amisom.