Waxaa saakay Qarax nuuca miinada dhulka laguu aaso uu ka dhacay Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Taraqa iyo Sigaarka, waxaana qaraxaasi lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidamada AMISOM.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Kolnyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada AMISOM qaraxa lala eegtay xili ay marayeen Laamiga Warshadaha, waxaana qaraxaasi miino uu waxyeelo gaarsiiyay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib rasaas xoogan kor u furay, waxa ayna ciidamada oo ka daatay gaadiidkii ay wateen markii dambe isaga dhaqaaqeen goobtii lagu qarxiyay iyaga oo horey u jiitay gaari waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi.
Wali lama oga khasaaraha qaraxan kasoo gaaray Ciidamada AMISOM, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM iyo laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho.