Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si heer qaran loogu soo dhoweeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda oo booqasho uga bilaabatay.
Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Ugandha iyo diblumaasiyiinta safaaradda Somalia ee Uganda.
Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeybgeli doona shir madaxda Afrika iyo xoghayaha q/midoobay ku yeelanayaan magaalada Kampala oo ku saabsan arrimaha qaxootiga.
Safarka madaxweyne Farmaajo ee Kampala ayaa noqonaya safarkii 12-aad ee uu dalka dibadiisa ugu ambabaxo.
©Goobsan Media