FAAH FAAHIN: Qasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Dagmada Wadajir

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ka mid ahaa dadkii ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxaas,

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

©Goobsan Media