Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas kusoo bandhigay 3-nin oo la sheegay ay ka dambeeyeen dil dhawaan Xaafadda towfiiq loogu geystay mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaaladaas.
Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ayaa la dilay xili uu ku jirey Masaajid ku yaala Xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo.
Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Nabad Sugida Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa lagu soo qabtay ragaan 3-da ah ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.
Goobta lagu soo bandhigay Ragaan dilka geystay ayaa waxaa ku sugnaa Xasan Xuseen (Xasan Eeleey) Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in howlgal qorshaysan ragaan lagu soo qabtay dhawaana Maxkamadda lasoo taagi doono.