DEG DEG: Ururka Al-Shabaab oo 15 Odayaal Dhaqameed ah ku….

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanka Xarar-dheere ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay Ururka Shabaab ku xir xireen odayaal ka mid ah dadka degaanka.

Odayaasha ay Al-Shabaab xireen ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 15 Oday dhaqameed kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeesteen ammaro ay horay u soo saareen Al-Shabaab.

Odayaashaan ayaa hada gacanta ugu jira Shabaab mana la oga sida ay ka yeeli doonaan,waxana tani walaac ka muujiyay Shacabka ku nool degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ururka Al-shabaab ayaa horay sidaan oo kale xabsiga u taxaabay odayaal dhaqameed kuwaas oo in muddo ah gacanta ugu jiray Shabaab ayadoona ugu dambeyntii wada hadalo guuleystay looga soo furtay Odayaasha.